Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo SHeegay in Dowladdiisa ay ka hirgalin doonto Goobo adeega Bulshada gobolada dalka.

0
487

Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Ayaa sheegay in dowladdiisa ay wado qorshe ay ku hormarinayso maamulada Gobolada dalka Somalia.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gobolada dalka Somalia ay ka go’antahay in ay gaarto gobolada dalka Somalia isla markaasna ay wax badan ka qabato arrimaha magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud ayaa hadalkaan ka sheegay Kulan uu la qaatay mas;uul ka tirsan Qaramada midoobay kaas oo lagu magacaabo Dr Shamsul Baari isla markaasna dhanka xuquuqda Aadanaha u qaabilsan Qaramada Midoobay.

“waxaa ka hirgalinaynaa Gobolada dalka Somaliya ceelal,Iskuulo,iyo qeybaha kale ee bulshada muhiimka u ah ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba Dowladda Somalia ayaa u muuqanayso mid isku dayeeso inay horumar ka samayso dhanka arrimaha bulshada.