Kulan Magaalada Neyroobi ay ku yeesheen Wasirka Horumarinta iyo Hay’ado oo Arrimo badan looga hadlay.

0
491

Maryan Qaasim oo ah Wasiirka horumarinta adeega bulshada ayaa magaalada Nairobi kula kulantay Mas’uuliyiinta hey’adaha samafalka iyo qaar ka mid ah danjirayaasha wadamada Caalamka u fadhiya dalkaasi.

Kulankan ayaa looga hadlayay sidii loo horumarin lahaa adeega caafimaad ee Soomaaliya islamarkaana loo gaarsiin lahaa guud ahaan dalka Soomaaliya Afrta sano ee soo socota.

Marwo Maryan Qaasin ayaa sheegtay in dowladu ku dadaaleyso sidii adeegyada caafimaadka ay ugu baahin laheyd dalka oo dhan, iyadoo xustay in qof kasta oo Soomaali ah uu xaq u leeyahay in uu helo adeeg caafimaad oo dhameeystiran

‘’Maanta waxaan ku tilmaami karaa maalin taariikhi ah oo aan daah fur u sameeynay istiraatiijiyada qorshaha caafimaadka 2013 ilaa 2016, sidaad u jeeday waxaa ka soo qeybgalay deeq bixiyayaashii safaaradihii iyo hey’adaha UNk,’’ Sidaasi waxaa yiri Maryan Qaasin Wasiirka horumarinta adeega Bulshada ee xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Maryan Qaasin ayaa intaa ku dartay in mashruucan uu yahay qorshaha caafimaadka ee wasaarada waana mid balaaran waxaana u kala qeybinay sanad sanad, waxeyna sheegtay in qorshihii sanadkan ay ku shaqeyn laheyeen uu u diyaarsanyahay, iyagoo hoosta ka ka xariiqday in ujeedada ugu dambeeysa ee ay higsanayaan ay tahay in qof kasta oo Soomaali ah uu helo caafimaad dhameystiran.