Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa ka soconayso qaban qaabo xoogan oo lagu soo dhaweenaayo Ra’iisul Wasaaraha dalka Somalia Cabdi Faarax Shirdoon.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa lagu wadaa in ay socdaal ku tagaan maalinta barito ee Sabtida magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose halkaas oo kulamo uu kula soo qaadan doonno madaxda maamulka kumeel gaarka ee Jubbooyinka.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa la sheegay in kulamada uu la qaadan doonno qeybaha kala duwan ee bulshada gobolada Jubbooyinka uu kala hadli doono sidii maamul mideysan oo ay u dhan yihiin beelaha dega gobolada Jubbooyinka loo dhisi lahaa.
Si kastaba Magaalada Kismaayo ayaa ah magaalo muhiim ah taas oo lagu wado in loo dhiso maamul hoos taga dowladda dalka Somalia.




