Gobolka Galgaduud oo Roobab ay ka Da’een.

0
503

Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan gobolka galgaduud ayaa sheegaya in Roobab mahiigaan ah oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa ka da’ay deegaano ka mid ah gobolkaas oo ay hore uga jirtay abaar baahsan iyo biyo la’aan.

Roobabkan ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxa ay ka da’ayeen degmooyinka Dhuusamareeb, Ceelbuur iyo Ceelgaras, waxeeyna roobabkaasi ay xareedda Wareen deegaano aad u balaaran oo ay ka jirtay biyo la’aan baahsan.

Roobabkan oo ah xili roobaadka Guga ayaa ka curtay deegaano kaladuwan oo ka mid ah gobolada dalkeena, halkaas oo ay ka jirtay abaar iyo biyo la’aan.