“Mr.Saacid” Xukumadayda Wexey Awooda Saareysa Dabar Goyta Ku Tumashada Xuquuqda Haweynka Iyo Suxufiyinta Somaliyeed.

0
555

C/ Faarax Shirdoon Saacid Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho gudi gaar ah oo madax banaan kaasoo baaritaan ku sameeya Xufsiga Haweynka Iyo dilalka loo geysto suxufiyiinta Somaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Ayaa U sheegay qeybaha kala duwan ee Ururada bulshada rayidka, iyadoo gudigan uu ka kooban yahay 13-xubnood oo dhamaanba xubno ka ah qeybaha kala duwan ee Ururada bulshada Rayidka.

Mr.Saacid ayaa Sidoo Kale sheegay in gudigan ay soo baari doonaan suxufi kasta oo Muqdisho lagu dilay, sababaha loo dilay, iyadoo cidii lagu helo dilalka suxufiyiinta uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay In Talaabo Cad Laga Qaadi Doono.

C/ Faarax Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa sheegay in afartii bilood ee u dambeysay ay is bedel ka sameeyeen sidii wax ahaan jireen, gaar ahaan dhinaca xuquuqda aadanaha, isagoo tilmaamay In Xukuumada ay ku dadaali doonto sidii ay u dhawar Jari Laheyd Ku Tumashada xuquuqda Haweynka Iyo Suxufiyiinta.