Wareegto Ka Soo Baxday Xafiis Madaxweynaha Puntalnd Oo Xil Ka Qaadis Loogu Sameeyey Gudoomiyaha Gaalkacyo.

0
468

Wararka Ka Imaanaya Magaalada gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xilkii laga qaadey Korneyl Siciid Cabdi Faarax Oo Ahaa Gudomiya Gaalkacyo, Iyadoona isla wareegtada ka soo baxdey Madaxtooyada Garowe lagu magacaabey Nin horey u ahaan jirey Guddoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Cali Salaad.

Xarunta Gobolka Mudug Ee Magaalada Gaalkacyo waxaa goleheedi deegaan wareegto ku kala direy madaxweynaha Puntland, waaana magaalada keliya ee ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee aan lahayn gole deegaan oo wareegto lagu magacaabo guddoomiyaha degmada Deegaankaasi.

Gudoomiyaha Iminka Xilka Laga Qaaday Ee Korneyl Siciid Cabdi Faarax ayaa xilka hayey muddo hal sano ah oo keliya Waxaana Ilaa Iyo Haatan La Ogeyn Sababaha Xilka Looga Qaaday.