Wariye Koronto Iyo Haweeney Kufsi Lagula Kacay Oo Min 1Sano Xarag Ah Lagu Xukumay.

0
481

Maxkamada G/Banaadir Oo Maanta dacwada loo heystay Wariye C/casiis Koronto iyo haweeneydii la kufsaday Xukuno Xarag Ah Ku Riday, iyadoona Maxkamada ay min hal sano oo xarig ah Ku Xukuntay.

Inta Ay Socotay Dhageysiga dacwada oo ahaa mid aad u kululeyd ayaa loo diiday Maxkamada inay ka hor cadeeyaan afar marqaati oo goob joog ka ahaa xilliga gabadha la kufsanayay iyo in la dhaariyo eedeysanayaasha La Maxkamadeeyey.

Xeer Ilaaliyaha qaranka oo dacwada ku soo oogay ayaa ka sheegay Maxkamada in Wariyaha sameeyay dambi been abuur ah, isla markaana markii baaritaan lasameeyay ay dhab noqon weyday Dacwada Lagu Eedeyey 2daani Ruux.

Maxkamada Ayaa Sidoo Kale sii deysay saddex ruux kale oo kiiskan loo xiray, kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen been abuurka Maanta Lagu Xukmiyey Wariye Koronto Iyo Haweyneeda.

Wariyeyaashii ka qeyb galayay dhageysiga dacwada ayaa qaarkood ku doodayay in go’aanka maxkamada uu ahaa mid hal dhinac ah, isla markaana uu xaq u lahaa wariyaha marqaatiyaal balse loo diida Iney Goobta Ka Hadlaan.

Qaar Ka Mid Ah Bahda Saxaafada Somalia Ayaa Goobta buuq Ka sameeyay Iyadoona La Amray In Maxkamada laga saaro waxaana La Sheegay in jirdil lagula dhaqaaqay Wariyayaashaasi.

Qaadiga Maxkamada ayaa sheegtay in gabadha la xukumay oo lagu magacaabo Luul Cali Cusmaan labo sano kadib xabsiga la dhigi doono,Maadaama Cunug Yar ay heysato.

Wariye C/casis Koronto Iyo Haweyneda La Kufsaday Maxkamada Ay Xukunkani halka sano ah lagu xukumay ayaa la sheegin In racfaan laga qaadan karo.