C/kariin Xusen Guuleed Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka ayaa maanta kula kulmay magaalada Muqdisho Safiirka Britain u qaabilsan Soomaaliya Matt Baugh, iyagoo ka wada hadlay arrimo ku saabsan amniga.
Shirkaani oo markii hore ay albaabada u xirnaayeen ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa si wada jir ah saxaafada ula hadlay Wasiirka iyo Safiirka, iyagoo faah faahiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in isaga iyo Safiirka ay isku afgarteen sidii Britain uga qeyb qaadan laheyd xoojinta Amniga Soomaaliya iyo mashaariic lagu hormarinayo Gobolada iyo degmooyinka dalka.
Sidoo Kale Mr Guuleed ayaa sheegay in Britain ay haatan mashaariic ka wado qeybo ka mid ah gobolada dalka, sida degmada Balcad oo uu sheegay in mashaariic horumarineed uu ka socdo.
Safiirka Britain ayaa sheegay in kulankooda uu si guul ku soo dhamaaday, waxaana uu xusay inay ka qeyb qaadan doonaan taageerada hey’adaha dowladda, ayna ballaarin doonaan howlaha mashaariicda horumarineed ay ka sameynayaan dalka.
Britain ayaa bisha May marti gelineysa shir looga hadlayo Soomaaliya, kaasoo ay ka qeyb geli doonaan in ka badan 50-dowladood.




