Xarakada Al-shabaab ayaa waxa Ay sheegeen In dilka Allex ay tahay mid loogaga jawaabayo dadkii rayidka ahaa oo ay ciidamada Faransiisku ku dileen Buulo-Mareer iyo weeararada uu ku hayo Faransiisku dalka Afghanistaan iyo Mali Aargoosina Uu Kaga Dhiganyahay.
Sida Lagu Sheegay Bayaanka Ka Soo Baxay Al-shabaab xilliga la dili doono sarkaalkan Faransiiska ah oo ay in muddo ah gacanta ku hayeen Iyagoona Aysan Wali Muuqiisa Soo Bandhigin Sarkaalkaasi Faransiiska Ah.
Saraakiisha Al-shabaab Ayaa Waxa Ay Sheegeen In Ay Xiriiro La Yeesheen Dowlada Faransiiska Intii uu gacanta ku jirey sarkaalkan faransiiska ah waxaana isbedelay dowladii Faransiiska waxayna sheegeen in ay la xiriireen labada dowladood.
Hadalkaani Ka Soo Yeeray Shabaabka ayaa imanaya Xilli labo maalin kahor ay soo bandhigeen sawir ay ku sheegeen inuu yahay maydka askari ka tirsanaa ciidamadii soo weeraray Maalinkii sabtida Magaalada Buulo-Mareer.




