Kooxo Hubeysan Oo Caawa Askar Kenyaan Ah Ku Weeraray Magaalada Gaarisa.

0
587

Kooxo hubeysan Ayaa caawa fiidkii Weerar Qorsheysan Waxa Ay ku qaadeen Askar Ku Sugan magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya.

Sida Ay Nagu Soo Gaarayaan Wararka ka imaanaya Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in 3Ruux oo Kenyaati ah ay dhinteen kadib markii rasaas lagu furay goob Maqaaxi Ay Fadhiyeen Dadkaasi Isugu Jiray Askarta Kenya Iyo Kuwa kalo Shacab Ah.

Ragaasi hubeysnaa Ayaa La Sheegay In Bartilmaameedkoodu Uu Ahaa ciidamo Kenyaan Ah Oo Halkaasi Ku Sugnaa waxaana halkaasi ku dhintay Dhowr Qofood.

Booliska Magaalada Gaarisa ayaa sheegay in rag hubeysan ay rasaas la dhaceen maqaayadda kadibna ay goobta ka baxsadeen,dadka dhintay sedax kamid ah ayaa La Xaqiijiyey In goobta wax ka dhaceen Ay Ku dhimatay halka 2 kale dhaawac ahaan ay isbitaalka ugu Geeriyoodeen.

Magaalada Gaarisa Iyo Magaalooyin Kale Ee Ka Tirsan Dalkaasi Kenya ayaa Waxa Caqabad Ku Naqatay xoogaga hubeysan ee weeraro Toos Ah Ku Qaada tan iyo markii ay ciidanka Kenya ku Soo Cagadhigteen Ciida Soomaaliya oo ay qabsadeen Qeybo Ka Tirsan Jubbada Hoose iyo Gedo.