Waziirada Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howl galada ka socda gobolada dalka, iyadoo Ciidamo ka socda Kenya oo qeybta ka Ah Howlgalada AMISOM Ee ku sugan Gobolada Gedo Iyo Jubooyinka.
C/Xakiin Max’uud Xaaji Fiqi Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya oo shalay dib Muqdisho ugu soo laabtay ayaa sheegay in isaga iyo dhigiisa Kenya Yusuf Xaaji ay ka wada hadleen arrimo badan oo ku aadan howl galada Ay Dowlada Kenya Ka Wadaan Qeybo Ka Tirsan Soomaaliya.
Sidoo Kale Waxa Uu C/xakiin Fiqi sheegay in ay isku afgarteen dhigiisa Kenya sidii ay xogta labada dhinac isa siin lahaayeen, iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen tababarka ciidamada, si loo xoojiyo dib u dhiska Ciidamada xooga dalka Soomaaliya.
C/xakiin Fiqi Oo Ah Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa mudooyinkii u dambeeyay booqashooyin ku tagayay dalalka Kenya iyo Ugandaoo ay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya, waxaana uu kala hadlayay sii xoojinta howl galada iyo taageerida ciidamada dowladda Ay La Garabtaagan Yihiin Dowladahaasi.




