Wadada isku xirta marka iyo afgoye oo maanta lagu dilley ilaa lix qof yaa ka danbeeya dilka boobka iyo handadaada shacabka lagu hayo?

0
549

Waxaa maanta lagu diley wadada isku xirta marka iyo afgoye lix qof oo rayid ah kuna safrayey wadadaas,waxaana dad badani ay isweydiinayaan waxa dhibaatada ku haya shacabka sida dilka dhaca iyo handadaada cidda ay yihiin,odayaal la hadley warbaahinta oo kamid ah dadka degen marka waxa ay sheegeen in ciidamada dawlada ay qadyaan ka taaganyihiin sida iyagoo caruurtoodi la xirxirayo,sida iyadoo lacago baad ah mar walba laga qaado iyo iyagoo odayaashi ay sheegeen in ciidamada dawladu ay bam gacmeedyo yar yar ku tuuraan meel si ay u baneystaan in ay galaan guryaha ay rabaan in ay bililiqeystaan.

Gobolka sh/hoose ma jiraan ciidamo boolis ah,ciidamo nabadsugid ah,taas oo keentey in shacabki ay waayaan adeegi ay bulshada gobolkaasi u baahnaayeen,waxaana codsi u direy dawlada dhexe gudoomiyaha gobolka sh/hoose c/qaadir maxamed nuur in lala soo gaaro ciidamo bolis nabadsugid asluub iyo anshax leh,si looga jawaabo cabashada kasoo yeereysa shacabka gobolka sh/hoose.

Cabashadan ayaa waxey imaneysaa iyadoo gobolka sh/hoose shan bilood uu gacanta ugu jiro dawlada federalka oo ay kaabayaan ciidamada huwanta amisom,iyadoo aan la maqli jirin dhibaatooyinka xiligii ay alshabaab maamulayeen gobolkaas iyo kuwo sidaas oo kale ay heysato,yaase ka danbeeya dhibaateynta dadka loo geysanayo?maxeyse ku muteysteen shacabku in lagu muujiyo ama lagu falo ficilada nuucan oo kale ah?
Ileen iyagu siyaasad kuma jiraan shaqona kuma laha dhinacyada is hayee!.