Ciidamada dalka brundi ee ku sugan gobolka sh/hoose ayaa maanta lagula eegtey labo qarax miinada la hago ah,ciidamadan oo ka mid ah kuwa ku hawlgala magaca Amisom ayaa dhawaan waxey ka bilaabeen baaritaano magaalada marka.
Ciidamadan ayaa waxey hada kahor ahaayeen kuwo fiirsada waxa gobolka ka dhaca farahana aan la soo gelin balse hada waxa ay u muuqdaan kuwo colaada u bareerey xarakada alshabaabna la colaadtama.
Qaraxyadan ayaa imanaya iyadoo ciidamada brundi qaateen in ay ka hawlgalaan gobolka sh/hoose oo ay hada meelo yar kaga suganyihiin waxeyse xaqiiqda dhabta ah arki doonaan marka ay gudaha u sii galaan deegaanada shabaabku ku xooganyahey ee gobolkaas ka tirsan.




