Madaxweynaha soomaaliya iyo wafdigii uu hugaaminayey oo sudan kasoo laabtey.

0
476

Wafdigii dhawaan u ambabaxey dalka sudan uuna hor kacayey madaxweynaha somaaliya prof. Xasan sh maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtey iyagoo sheegey in ay si hagaagsan ugu soo dhamaadeen hawlihii ay dalkaasi u tageen.

Madaxweyne xasan sheekh ayaa sheegey in ay ka maqsuudeen sidii loo soo dhaweeyey,waxeyna madaxweynaha iyo wafdigu ka qeyb galeen furitaanka kanaalweyn oo laga hirgeliyey dalkaasi sudan iyo kulan ay soo qabanqaabiyeen ardeyda wax ka barata jaamacadaha dalka sudan isla markaana m/weynaha xasan sheekh iyo dhigiisa gen. Cumar xasan al bashïir ay ka wada hadleen arimo badan sida in sudan taageerto sidii nabadgelyo loogu soo dabaali lahaa dalka soomaaliya,isla markaana ay sudan fasaxdo lacago sh so ah oo ay sudan sameysey lacagahaas oo sida la sheegey laga dhaxley dawladi hore ee kmg aheyd waxeyna aheyd mid ay ku muransanayeen barlamaanki hore iyo xukuumadi waqtigaas jirtey.

Waa markii ugu horeysey ee uu booqdo dalka sudan m/weyne xasan sheekh tan iyo intii uu noqdey madaxweynaha jamhuuriyada federalka soomaaliya si lama filaana,waana safarkii 9’aad ee uu dalka debediisa safar ku aado mudo afar bil gudahood ah.