Siyaasiyiin iyo wax garad kasoo jeeda puntland oo sheegey in ay wadaan qabanqaabada shir ka dhacaya Qardho gobolka karkaar loogana dhawaaqi doono maamul kmg.

0
495

Siyaasiyiin iyo wax garad kasoo jeeda puntland ayaa sheegey in ay wadaan qabanqaabada shir ka dhacayo magaalo madaxda gobolka karkaar ee Qardho,kaas oo ujeedadiisu tahey in lagu dhiso maamul kumeelgaar ah oo ay yeelato puntland.

Afhayeen u hadley siyaasiyiin u taagan in ay xilka puntland qabtaan oo lagu magacaabo cabdi raxmaan sh maxamed gablalax ayaa sheegey in shirkaasi qardho ka dhici doono isla markaana looga dhawaaqayo maamul kumeelgaar ah oo ay puntland yeelaneyso mar hadii buu yiri uu faroole noqdey nin aan u adeegeyn rabitaanka shacabka iyo jiritaanka puntland kursiga puntland iyo hugaaminteeduna uu shacabka puntland u dhaxeeyo.

Xilka m/weyne faroole ayaa ku eg 07 01 2013 oo ay naga xigto maalmo yar,waxaana dhici karta hadii faroole iyo maamulkiisu ku adkeystaan halka sano oo ay kororsadeen in qas iyo qalaanqal hor leh uu ka dhaco puntland,halkaasna lagu waayo deegaano ka badbaadey dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacey,mana jirto xil iyo mas’uuliyad ay muujineyso dawlada federalka iyo xukuumada dr-saacid.

Dawlada federalka ah ayaa waxaa waajib ku ah in ay galaangal u lahaato maamul goboleedyada hada dhisan iyo kuwa dhismi doonaba,waxaadse moodaa in ay balaayadooda buul ka galeen oo ay ku filantahey magaca ama teytalka dawlada dhexe ee ay wataan,taas oo aan sii shaqeyn karin ileen waxa ay metelaan oo ay afkooda ku hadlayaan dhamaan shacabka soomaaliyeed iyo deegaanada uu koobayo magaca jamhuuriyada soomaaliya.

Dhawaan ayey aheyd markii c/weli cali gaas oo ahaa ra’iisalwasaarihii ugu danbeeyey xukuumadihii kumeelgaarka uu booqdey puntland oo uu dhalasho ahaan kasoo jeedo,iyadoo laga hor istaagey shirar iyo wada tashiyo uu bulshada la yeelan lahaa kadibna uu iskaga soo tegey,waxaana maalmo ka hor uu iska casiley xubinimadi barlamanka federalka taasoo u muuqata in dr c/weli cali gaas uu u weel baneystey hugaaminta puntland,iyadoo rag kalena kula jiraan loolan madaxnimada puntland ah.