Dagaal u dhaxeeya ciidamada amisom iyo kuwa dawlada feralka ah oo isku dhinac ah iyo dagaal yahanada xarakada alshabaab oo ka dhacey carbiska afgoye.

0
506

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Amisom iyo kuwa dawlada oo isku dhinac ah iyo dagaal yahanada xarakada alshabaab ayaa waxa uu ka dhacey caawa degaanka carbiska afgoye ee gobolka sh/hoose.

Dagaalkan oo socdey wax ka yar hal saac ayaa waxaa weerarka soo qaadey dagaalyahanada xarakada alshabaab,iyagoo ika caabin kala kulmey fariisin ay degenaayeen ciidamada amisom,lamana oga qasaaraha kala gaarey labada dhinac.

Maahan markii ugu horeysey ee ay dagaalyahanada alshabaab weerar ku soo qaadaan fariisimada ciidamada amisom iyo kuwa dawlada federalka ah,lamana oga waqtiga ay soo afjarmayaan dagaaladan u dhaxeeya huwanta isbaheysatey iyo dagaalyahanada xarakada alshabaab,mana jirto waanwaan iyo wada hadalo laga dhexwado oo meel isugu keeni karta mabaadiida ay kala aaminsanyihiin awgeed.