Fiqi Iyo Diini oo Baydhabo Gaaray Iyo Amaanka Oo Si Aad Loo Adkeeyey

0
462


Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom

Wasiirka wasaarada Difaaca Ee Xukuumada Soomaaliaya C/Kariin Maxamuud Xaahi Fiqi Iyo Wafuud Balaaran Uu Hogaaminaya ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay

Wasiirka ayaa Safarkiisa Waxa Ku Wehlinayey Taliyaha Ciidamada Xooga dalka C/Qaadir Diini Iyo Saraakiil Kale Oo ka Tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya

Wafdiga Wasiirka Markii ay ka Dageen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ayaa Waxaa Halkaasi Si Heer Sare Ugu Soo Dhaweeyey Maamulka Gobolka gaar ahaan Magaalada baydhabo Waxaana Sida Muuqatay Si Aad ah Loo Adkeeyey Amaanka Guud ahaan magaalada

Udeedada Ugu Muhiimsan Ee Socdaalka Wafdiga wasiirka Gaashaandhiga ayaa La Sheegay In Uu Yahay Sidii Uu Ugu Kuugali Lahaa Xaaladaha kala Duwan Ee Ku Shaqeynayaan Ciidamada Dowladda Ee Ku Sugan Gobolkaasi