Sheekh Cali Dheere Afhayeenka Guud Ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo shir Jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in Dalka Soomaaliya Ay Kala Qeyb Sadeen dowladaha Itoobiya iyo Kenya.
Sidoo Kale wuxuu Cali Dhere farta ku Fiiqay in labada dowladood ay ku heshiiyeen in ay kala gumeystaan gobolada dhaca Koonfurta iyo bartmaha dalka Soomaaliya Haatanna Ay Socoto Arimahaasi.
”Sh.Cali Dheere Ayaa Qeexay Dhulalka Sida Loo Kala Qeybsaday Wuxuna Yirri”
1-Dowladda Itoobiya ayaa lasiiyay in ay qaadato gobolada Bay,Bakool,Hiiraan, Gal guduud iyo Gedo Deegaano Ka Tirsan-
2-dowladda Kenya ayaa lasiiyay in ay gumeysato gobolada Jubbooyinka iyo qeyb kamid ah gobolka Gedo,Kenya waxay diyaarsatay shirkado shisheeye oo shidaal baarista qaabilsan iyadoona ceelal shidaal ka raadsanaysa dhulka Soomaalida Ay Leedahay-
3-Uganda,iyo Burundi ayaa iyana lasiiyay Muqdisho iyo shabeelooyinka
“Runtii cadawgu waa caddeeyay gumeysiga uu dalka ku hayo qof walba wuxuu akhrin karaa qodobadii kasoo baxay shirkii Addis Ababa ee labada dowladood ku kala qeybsadeen dalka Somaaliya”.




