“War-Saxaafadeed” Haddii Uu Nadaamka Punland Lumo Masuuliyadaasi Waxaa Qaadayo Faroole Oo Waqtigiisii Dhamaaday.

0
510

Maamulka Puntland waxay maanta maraysaa xaalad aad xasaasi u ah.

Wakhtiga maamulka loo doortay waxaa uu ku ekaa shaley oo taariikhdu aheyd 8-da bisha Janaayo 2013. Xil kororsiga hadda socdaa waxaa uu keeni karaa in dhaawac soo gaaro sumcadda Puntland.

Maamulkii la doortay sannadkii 2009, hawsha ugu wayn ee loo igmaday waxay ahayd inay Puntlnad ka raraan nidaamka beelaysiga gaarsiiyaan nidaamka talo-wadaagga (Democracy) loo dhan yahay marka la gaaro bisha Janaayo 2013.

Arrintaasi waxaa lagu baraarugay markii afartii sano ee sharciga ahayd ay sii dhammaanaysay, waxaa maaulku sameeyey guddi doorasho aan madax-bannaanayn iyo nidaam Dimuquraadiyad gaar ah, oo gef ku ah Dimuquraadiyada laf-ahaanteeda.

Haddii aanu nahay Ururka Horusocod waxaan qabnaa in Puntland si dhab ah looga hir galiyo nidaamka wadatashiga, uuna yahay xalka kaliya ee keeni kara waaritaanka Puntland.

Waxaan aaminsanahay in lagu gaari karo, helitaanka guddi baahsan, kalsoonina ka haysta shacabka, ayna soo doortaan cid aan rabin inay ku gaarto mansab siyaasadeed
Maadaama ay xukuumadu waajibaadkeedii gabtay, howshaasi waxay maanta u taalaa dhammaan dadka Puntland.

Ururku wuxuu ka digayaa in uu lumo nidaamka iyo kala danbaynta. Wuxuu aad uga soo horjeedaa cid kasta oo wax u dhimi karta nabadda Puntland.

Waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda waqtigii sharciga ahaa ka dhamaadey in ay gogol u fidiso waxgaradka Puntland oo ayugu horeeyaan Isimada, Siyaasiyiinta & Culumada.

Haddii nidaamku lumo waxaa masuuliyadda si toos ah u qaadaya maamulka wakhtigiisu hadda dhamaaday, maadaama lagu wareejiyay dawlad sharci ah oo aan lagu muransanayn.

Dadka Puntland waxaan ugu baaqeynaa isku duubni iyo in hal meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo liddi ku ah jiritaanka iyo nabadda Puntland.
Waxaan kaloo ugu baaqeynaa in ay u istaagaan in Puntland ka hirgasho Dimuquraadiyad sharci ah oo ay u siman yihiin dhammaan dadka Puntland.
Guddoomiyaha Ururka Horusocod
Ismaacil Aadan Diiriye