Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom
R/wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane C/saacid Faarax Garaad Shire Shirdoon ayaa Maanta Xafiiskiisa Muqdisho Ku Qaabilay Wafuud Uu Hogaaminayey Ergayga Gaarka ah Ee QM U Qaabilsan Arimaha Soomaaliya Mr Augutin Mahiga
R/wasaare Saacid Iyo Mahiga ayaa Kawada Hadlay Arimo Fara Badan OO Quseeya Xaaladaha dalka Soomaaliya Wallow Kulankoodu Uu U Badnaa Hambalyo
Markii uu Soo Dhammaaday Kulanka Labada masuul ayey Si Wada Jir ah Saxaafada Ula Hadleen
Ugu Horeyntii R/wasaare saacid Oo Warbaahinta La Hadlay ayaa Sheegay In Mahiga Iyo Wafdigiisa ay isla Soo qaadeen Arimo ay ka Mid Ahaayeen Aqoonsiga Dowladda Mareykanka ay Siisay Soomaaliya Iyo Kaalinta Muuqata Ee Dowladda ay Ka qaateen La Dagaalanka Kufsiga Iyo Dhowrista Xuquuqda Aadanaha
Sidoo Kale Mahigo oo isna Hadal KoobanWarfidiyeenada Siiyey ayaa Marka Hore U Hambalyeeyey Dowladda Soomaaliya Kuna Ammaanay Howsha Culus oo ay Shacabka Soomaaliyeed U Hayaan
Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom





