Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukuno Isugu Jirey Dil Xarig Ku Fulis Askar Ka Tirsanaa Dowladda

0
530

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta Xukuno Isugu Jirey Dail Iyo Xarig Ku Fulisay Askar ka Tirsanaa Ciidamada Militaarka Dowladda Soomaaliya ee Ku Sugnaa Gudaha Magaalada Jowhar Ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexe

Askarta Uu Xukunka Ku Dhacay oo Gaarayey Ilaa Iyo 4 Ruux ayaa Lagu Soo Eedeeyey in ay Falal Dil Iyo Dhacba U Geysteen Dad Shacab ah Oo Ku Dhaqnaa Magaalada Jowhar

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka Sida Ee Dowladda Soomaaliya Liibaan Cali yarow ayaa Ku Dhawaaqy Xukunadaasi
“C/fitaax Xasan Max’ed ayaa lagu xukumay dil toogasho ah ka dib markii lagu helay inuu maalmo ka hor ku toogtay magaalada Jowhar nin shacab taksiile ahaa

Xuseen Tarmuus (Tuug-bidaar) oo maqane ah, Aadan Cabdi Yabaroow iyo Cabdullaahi Xasan Gacal. Iyagana Waxaa Ku Dhacay Xukun Xarig oo 5 Ilaa Iyo 20 Sano ah

Gudoomiayaha ayaa Sidii Kale Digniin Culus U Jeediyey Ciidamada Dowladda waxaana uuna Uga Digay Dhibaateynta Shacabka Jowhar

Waa Xukunkii 2-aad Oo Maxkamada ay Jowhar Ka Fuliso Tan Iyo Markii Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Amisom oo Iskaashanaya ay La wareegeen Gacan Ku Haynta Magaalada Jowhar

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom