Wasiirka Gaashaandhigga Mr Fiqi Oo Ka qayb Galay Kulan Looga hadlayey Sidii Loo Qaadi Lahaa Cuna Qabateynta Hubka Saaran Soomaaliya (Daawo Sawiarad)

0
528

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom

Kulankaan Oo Maanta Ka Dhacay Gudaha Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Garoonka Aadan Cadde ayaa Waxaa isugu Yimid Guddiga ka shaqeeya farsmada Ciidamada Milateriga Soomaaliya Waxaana Diirada lagu Saaray Sidii la isaga kaashan lahaa qaadista Cuna Qabateynta Hubka ee Saaran Soomaaliya

Kulankaan ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka Gaashaandhigga Dalka C/xakiim Maxamuud Fiqi, Ku Simaha agaasimaha guud ee wasaaradda difaaca Muuse Cabdulle Maxamuud, Taliyaha Ciidamada XD S/Gaas C/qaadir Sh cali Diin, saraakiil ka socota AMISOM, Midowga Yurub iyo saraakiil ka tirsan dowladaha daneeya arrimaha amniga Somalia.

Markii Uu Kulanka Soo Idlaaday ayaa Saxaafada Waxaa la hadlay Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Mr Fiqi Waxa uuna Sharaxaad ka Bixiyey Waxa ay isla garteen Dhinacyada Kulanka ka qayb galayey

Kulankaan ayaa ah Mid Saddexdii Bilba Mar ay Isugu Yimaadaan Guddiga ka shaqeeya farsmada Ciidamada Milateriga Soomaaliya Waxaana Ugu dambeyntii Go’aan Lagu Qaatay In la Dedejiso Qaadista Cuna Qabateynta Hubka Saaran Soomaaliya

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom