Ruwaayaddii Ururka Al-Shabaab Iyo Dowlada Faransiiska Oo U Muuqata Mid Soo Afjarantay,Kadib Dilka Denis Allex.

0
612

Dhaq Dhaqaaqa Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegay in ay dil ku fuliyeen Denis Allex oo ka tirsanaa sirdoonka Faransiiska kaas oo ay afduub u haysteen 3Sanadood muddo ka badan.

Xarakada Al-shabaab Aya Waxa Ay dilka Denis Allex Shaacintiisa Ku Soo Bandhigeen barta Twitterka waxaana Ay Ku Soo Bandhigeen In Denis Allex dil Ay Dileen.

Dagaalyahanada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa sheegay in dilka lagu fuliyey Denis Allex uu dhacay maalintii shalay Aheyd Iyadoona Falkaani Dilka Ah Uu Ka Dambeeyey Kadib Markii Ay shalay bayaan Ka Soo Baxay ku sheegeen in la go’aansadey in la dilo Denis Allex kadib.

Xarakada Al-Shabaab Ku Dhawaaqista Ay Sheegeen Dilka Denis Allex waxay soo afjareysaa riwaayadii Denis Allex ee al-Shabaab ay haysteen muddoka badan 3 sanadood.