“C/karin Xusen Guled”Uma Dulqaadaneyno In La Xasuuqo Dadka Shacabka Ah,AMISOM,na Waa Iney Jawaab Deg Deg Ah Ka Bixisaa Falkani Wuxuushnimo.

0
536

Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin dhacdadii lagu laayay dadka rayidka ah ee ka dhacday Tuulada Buulo Yaasiin oo ku dhow degaanka Leego ee Gobolka Sh/hoose.

Ugu Horeyn Golaha Wasiiradda ayaa waxay ka doodeen dhacdadii 15-ka bishan ka dhacday Tuulada Buulo-yaasiin ee ay ciidamada Nabad illaalinta ee AMISOM ku toogteen dad rayid ah oo tiradoodu gaareyso 7 ruux oo 5 ka mid ahi ay ahayeen caruur, halka labada kalena ay ahaayeen Dad Da’ah.

C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo gaba gabadii kulanka kadib, Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Golaha Wasiiradu ay go’aanno ka soo saareen dhacdadii lagu laayay dadka rayidka ah, waxayna kala yihiin qodobadaasi.

In Dowladda Soomaaliyeed ay aad uga xuntahay falkaas, isla markaasna aysan u dul qaadaneynin in la laayo dadka Rayid ah oo aan waxba galabsan

In Dowladda Soomaaliyeed ay ka dalbaneyso Ciidamada AMISOM caddeymo buuxa iyo garoweshiyo falkii 15-ka bishan ka dhacay Tuulada Buulo-Yaasiin Wuxuuna Wasiirka Arrimaha Gudaha ugu baaqay dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka in lagasameeyo ololahan nadaafadeed waxaana hormuud ka noqon doona Masuuliyiinta Dawlada.