Qaraxyo Xoogan Oo Caawa Ka Dhacay Degmooyinka Yaaqshiid Iyo Hiliwaa ee Gobolka Banaadir

0
501

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom

Qaraxyo Xoogan ayaa Caawa Laga Maqlay Deegaano Ka Tirsan Degmooyinka Yaaqshiid Iyo Hiliwaa Ee Gobolka Banadir

Qaraxa Koowaad ayaa Waxa Uu Ka Dhacay Saldhiga Degmada yaaqshiid Waxaana wararka qaar ay Sheegayaan In Qaraxa Uu Ahaa Bama Nuuca gacanta Laga Tuuro Oo Lagu Weeraray Ciidamada Booliska Saldhigga

Qaraxa labaad ayaa islana Ka Dhacay Gudaha Degmada Hiliwaa Gaar ahaan Halka Loo Yaqaan Biyo Dageenka Waxaana Isna Lagu Weeraray Ciidamo Militaar ah Oo Fariisin Ku Lahaa Halkaasi

Ma Cadda Ila Iyo Haatan Khasaaraha Dhabta ee Qaraxyadaani Balse Dadka Ku Sugan Deegaanada Uu Qaraxyada Ka Dhacay ayaa Wal Wal ka Muujiyey Guuxa Weyn Ee Qaraxyadaasi

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom