(Wararka Soomaaliya) (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
Madaxweynaha Jamhuuriada Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud Culusow Gur Guurte ayaa Jawaab Diiran Ka Bixiyey Hadal Ka Soo Yeeray Madaxwrynaha Maamul Gobolleedka Somalilnad Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Ku aadaana In Ictiraafka ay Mareykanka Siisay Soomaaliya aysan Quseyn Dowladda Somaliland
Xasan Shiikh ayaa Sheegay Xilli uu Ka Hadlayey xarunta Midowga Yurup ee Brussels In Dowladdiisa ay K Shaqeyn Doonto Midnimada Ummada Soomaaliyeed Iyo sidii La Isugu Keeni Lahaa meel Qura
Sidoo Kale Madaxweynaha ayaa Hoosta Ka Xariiqay In aysan Jirin Cid La Qasbaya Oo Dhibaato Loogu Geysanaya In ay Qaataan Fikirkeena ayuu Yiri xasan Shiikh Maxmuud
Hadalkaan Ka Soo Yeeray Madaxweyne Xasan ayaa U Muuqanaya Mid Uu Ku soo Jiidanaya Dareenka Reer Somaliland Si wax Waliba Loogu Soo Afjaro Miiska Wada hadalka
(Wararka Soomaaliya) (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)





