R/wasaare Saacid Iyo Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadiisa Oo Maanta Booqday Isbitaalka Madiina

0
578

(Wararka Soomaaliya) (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

R/wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane C/Saacid Faarax garaad Shire Shir Doon oo ay Wehliyan Qaar Ka Mid ah Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa Maanta Booqasho Ku Tagay Isbitaalka Madiina Ee Magaalada Muqdisho

Booqashada R/wasaare Saacid Waxaa Ku Wehlinayey wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha Iyo Amniga Qaran C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka wasaarada Gaashaandhigga C/Xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta Iyo Gaadiidka C/laahi Ciilmooge Xersi Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Qaran Axmed Macallin Fiqi Iyo Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Qaybaheeda kala Duwan

Sidoo Kale R/wasaare Saacid ayaa Ku soo Wareegay Qaybaha ay Ka Kooban Tahay Isbitaalka Waxa Uuna war Bixin Ku Saabsan Marxaladda Isbitaala ka Dhageystau Agaasimaha Madina Hospital

Ugu Dambeyntii Mr Saacid ayaa U Balan Qaaday Maamulka Isbitaalka In Wax badan Laga qaban Doono Daruufaha Ka Jira Isbitaalka

(Wararka Soomaaliya) (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)