Waxaa isa soo taraya warar sheegaya in dhawaan dalka soomaaliya la keenayo lacago waraaqo ah oo sh so ah kuwaasoo ka kooban 5.000,10.000 iyo 20.000 kuwaasoo ay dawlada dalka sudan kula heshiisey xukuumadihii kmg ee hore.
Lacagahan ayaa waxaa hore uga taagnaa muran ka dhexdhacey barlamaanki waqtigaas iyo xukuumadi uu wasirka maaliyada ka ahaa sharif xasan shekh aadan,waxaana iyadoon go’aan laga gaarin ay khalkhal siyaasadeed iyo marxalado kala guur la galey,taas oo keeni karta in waqtigan ay soo cusboonaato ka hadalka lacagta sh so iyo waxa ay keeni karaan lacago cusub oo hor leh iyadoo dhaqaalaha iyo maciishadda la ogyahey halka uu taaganyahey.
Siyaasiyiin iyo dhaqaalo yahano soomaaliyeed ayaa sheegey in ay lacagahaasi keeni karaan dhibaatooyin cusub maadaama ay kunka wax ka yari aysan jirin loona baahnaa in la helo lacago lagu sarifo kunka sida 20,50,100,iyo 500 balse hadii maanta loo guuro 5000,aysan soo noqon doonin isticmaalka lacagahaas maadaama dawladu tahey dawlad rasmi ahna loo baahanyahey in la soo celiyo waxyaabihii burburka dalka laga dhaxley ee aan laga sii socon.
Arimaha lacagaha qaran ayaa waxaa u xilsaaran bankiga dhexe ee dal walba iyadoo ay jiraan shuruudo laga rabo bankiga dhexe ee dawladi leedahey ee lacag sameynaya mana fileyno in maanta bankiga dhexe ee soomaaliya uu shuruudahaas buuxin karo ayey yiraahdeen qaar kamid ah dhaqaaloyahanada soomaaliyeed kuwaasoo diidey in magacyadooda la xigto arrimo nabadgelyo awgood.




