Dagaallo culus oo saacado badanqaatay ayaa maanta gelinkii dambe ka qarxay duleedka degmada Luuq Koonfurgalbeed Soomaaliya Ee Gedo.
Sida Ay Sheegayaan Wararka nagasoo gaaraya Gedo ayaa xaqiijinaya in dagaallo u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo Xarakada mujaahidiinta Al.shabaab ay ka dhaceen tuulada Laba Qoracle oo u dhaxaysa Garbahaarey iyo Luuq Halkaasoo Ay Al.shabaab Fariisimo Ku Lahayeen.
Dhaq Dhaqaaqa Al.shabaab dagaalyahano Ka Tirsan Ayaa La sheegay In ay wadada ugaleen kolonyo gaadiid Itoobiyaan ah oo ciidamo Tababarro kusoo qaatay u Galbinayey Dhankaa Iyo Doolow.
Sarkaal Ka Tirsan Al.shabaab Kuna Sugan jiidda hore Ee dagaalka ayaa warsom U sheegay in 3 gaari laga gubay Itoobiya 10 ka Tirsan Askartoodana ladilay halka nolosha lagu qabtay 2 Askari balse ma Jiro Ayuu Yiri Qasaaro La Sheegi Karo Oo Dhankoodi Soo Gaaray.




