Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” shir Jara’id Oo Uu Qabtay ayaa wuxuu faafaahin ka bixiyey la haystayaal u kala dhashay wadamada Siiriya iyo Sirilaanka oo mudo ka badan labo sano afduub ay u haysteen Burcad badeed Soomaali ah.
Kadib Dadaal dheer oo ay iska kaashadeen Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Agaasimaha Hay’ada Nabad Sugida Qaranka Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa lagu guulaystay lahaystayaashaan oo kala ah Ibraahim Cabdalle Jowri oo ah Kabtanka Markabka Orna, Axmed Cabdalla oo ahaa Enjineerka Markabka iyo Sarath Chandra oo ka tirsanaa shaqaalaha Markabaka in si nabadgalyo ah looga soo daayo burcad badeedii haystay .
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya “Saacid” ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaran iyo Hay’ada Nabad Sugida, dadaalkii dheeraadka ahaa ee ay ku bixiyeen sidii xorrnimadooda uheli lahaayeen Ajaaniibtaasi Ay Si Afduub Ahaan U Heysteen Burcad Badeeda Soomaalida Ah.




