Cabashooyin ka imaanaya dadka deegaanka marka oo ay ku hayaan ciidamada dawlada federalka soomaaliya.

0
478

Dadka deegaanka marka oo ay kamid yihiin odayaal dhalinyaro haween iyo wax garad maanta ku shirey degmada marka dhexdeeda ayaa kawada hadley xaalada marka ay waqtigaan ku sugantahey in ay 100% ay ka fiicneyd waqtigii xarakada alshabaab ay maamulayeen marka.

Dadka shirka isugu yimid ayaa dhamaantood wada qirey in ciidamada marka jooga ay dhibaato ku hayaan dadka shacabkaa ayna baad joogto iyo handadaad maalin walba ah ay ciidamadu sameeyaan qofki baada ka warwareega ama diida ayaa gurigìisa agtiisa bumb lagu tuuraa dabadeedna waa la galaa guriga iyagoo dhahaya gurigan ayaan ka shakiney wixii la doono ayaa laga yeelaa dadka guriga degen iyo hantidoodaba.

Shirka ayaa waxaa dawlada dhexe looga codsadey in laga soo gaaro wax ay ku sheegeen yey baahan oo wixii ay aragto carabka marineysa,taas oo ay ula jeedaan ciidamo huwan magaca ciidamada xoga dalka soomaaliyeed oo ahaan lahaa kuwii badbaadinlahaa muwaadinka iyo hantidiisa balse u shaqeeyey dhinaca kale oo bilcagsi ku ah wanaaga,waana markii ugu horeysey ee ay dadka deegaanka marka cadeeyaan sida ay qadyaan uga taaganyihiin ciidamada dawlada iyadoo ay la joogaan kuwa dalka brundi oo iyana ku hawlgala magaca isbaheysiga huwanta Amisom.