Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukuno Dil Ah Ku Fulisay Rag La Sheegey Inay Geesteen Falal Dil Iyo Kufsi Ah.

0
534

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa saaka waabarigii hore
Fagaaraha School Polizio Waxa Ay Dil Toogasho Ku Fulisay Askar Ka Tirsan Ciidamada Dowlada Kuwaaso Falal Kufsi Iyo Dil Isugu Jira U Geesteen Gabdho Soomaaliyeed.

Labada askari Ee La Toogtay Ayaa Waxaa lagu kala magacaabi jiray Jamaal Axmed C/qaadir oo 23-jir ha oo dil u geystay nin lagu magacaabo Maxamed Axmed Caddow lagu fuliyay dil toogasho.

Kan Labaad oo ka tirsanaa Ciidamada xooga dalka laguna magacaabayay Dable Cabdi Cismaan cali Magan oo degmada Yaqshiid ku kufsaday gabar ayaa isna La Ay Toogatay Maxkamada.

Dilkan oo ah kii u horeeyay ee askari wax kufsada lagu fuliyo ayaa ka dambeeyay kadib markii dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu amar ku bixiyay in la toogto Gabdhaha Soomaaliyeed Qofwalbo Oo kufsada.