Waxaa dhawaan ku dagaalamey beelo walaalo ah isla markaana daris iyo dhaqan wadaag ah,deegaano ka mid ah gobolka g/guduud kuwaasoo iska diley dad ku dhaw 50 qof oo dhimasho ah iyo dhaawac gaaraya 30 qof.
Beelahan oo lagu kala magacaabo maxamuud hiraab (duduble)iyo reer xaaji suleymaanka (habargidir) kuwaas oo sida la sheegayo ku dagaalamey berkado meel laga qodayey oo kuwa kale hor istaageen,dagaalkan oo faraha ka baxey gaareyna deegaano ka fog fog meesha uu dagaalku ka bilawdey ayaa xarakada alshabaab waxey ciidamo kala dhex dhigeen beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamey gobolka g/guduud.
Waa dagaalo joogta ah oo soo noqnoqda kuwaasoo u dhexeeya beelaha wada dega oo ah kuwo walaalo ah,waxeyna badanaaba ku dagaalamaan daaqsinta ceelasha iwm,maamulada kale ee gobolka ka arimiya sida xibin iyo xeeb iyo waliba ahlusuna waljameeca dhamaantood wey ceebeeyeen dagaalkaas waxeyna ku tilmaameen mid aan loo baahneyn.




