Wakiilka xarakada gobolka sh/dhexe sh ciise kaba ku tukade oo sheegey in ay hareereysanyihiin go’doona ku jiraan ciidamadi Amisom iyo kuwa dawlada ku sugnaa!!

0
492

Shekh ciise kaba tukade wakiilka xarakada alshabaab ee gobolka sh/dhexe ayaa sheegey in ay u hareereysanyihiin jidka isku xira xamar iyo jawhar ay kala go’antahey ayna isu gurman karin maanta sidaas awgeed waxaa uu yiri sh/cise kaba kutukade xamarna wey sahlantahey furashadeeda dhanka kale gudoomiye ku xigeenka siyaasada iyo arrimaha bulshada oo wax laga weydiiyey warka sh/cise kaba kutukade ayaa isaguna ku jawaabey; waa nin riyo ku jira oo lagu raad joogo isagaana mar dhaw lasoo qabanayaa maxkamadna la hor keeni doonaa,waana nin dhuumanaya oo habeenba geed cusub hoosti ku hoyda,amniga gobolkuna waa mid leysku haleyn karo.

Waa markii ugu horeysey ee wakiilka xarakada alshabaab hadal nuucan oo kale ah laga maqlo tan iyo intii xarakada alshabaab lagala wareegey gacan ku heynta gobolka sh/dhexe qeybo kamid ah lamana oga sida wax uga jiraan hadalka sh/cise kaba kutukade.