Urur diimeedka atajamuc al islaami aala-sheekh oo mar kale boorka iska jafaya si ay siyaasada u hugaamiyaan…

0
544

Urur diimeedka tajamuc al-islaami oo loo yaqaan aalla-sheekh uuna kamid ahaa m/weynihii hore sh/shariif sheekh axmed ayaa mar kale ka soo muuqdey shaashadaha wax laga aqristo.

Sida la sheegey ururkan ayaa yeeshey shir hore dhac u ah shirweyne ay ku yeelanayaan dalka uganda oo uu hada degenyahey m/weynihii hore ee soomaaliya sh/sharif,waxeyna u egtahey in aalu sheekh uu hada u tafaxeydanayo soo celinta kursigii sida sahlan looga qaatey,waxeyna u muuqataa in kampala markan ay marti gelineyso mucaaradka dawlada si ay u hesho jilicsanaanta xukuumada iyo m/weynaha soomaaliya.

Waa markii ugu horeysey ee la maqley urur diimeedka tajamuc alislaam ilaa iyo markii magacan laga maqlo mahiga saadaasha siyaasada laga dheehan karo in ay ururkani hada boorka iska jafayo ayaa waxey ka muuqataa qodobo 11 ah oo ay kasoo saareen shirkan xamar ka dhacey iyadoo si hoose loo sheegayo in kambala uu shirkan shirka xiga uu ka dhacayo.

Waxaana laga yaabaa in ururkani isu diyaarinayo xisbi siyaasi ah oo u tartama hugaaminta dalka,waxaase la ogaandoonaa mustaqbalka iyo wixii kusoo kordha Aala sheekh oo aysan hada caddeyn cidda hugaamisa.