Ahlusunada gobolada dhexe oo sheegey in ay maamul goboleed ku dhawaaqayaan…/

0
514

Maamulka ahlusuna ee gobolada dhexe ayaa shir beryahan u socdey soo gabangabeeyey,shirkan oo ay kasoo qeyb galeen xubnaha sadexda gole iyo saraakiisha ciidamada odayaal iyo wax garad ayaa laga soo saarey bayaan iyo qodobo muhiim ah.

Ugu horeyn maamulka ahlusuna ee gobolada dhexe waa in ay ciidamadoodu heegan buuxa galaan.
Maamulka ahlusuna gobolada dhexe waxey ku dhawaaqayaan dhisayaana maamul goboleed kulminaya gobolada dhexe.
Ahlusuna waxey gacmo furan iyo qalbi saafiya ku soo dhaweynayaan dawlada federaalka uu m/weynaha ka yahey prof. Xasan sheekh maxamuud.
Iyo kuwo kale oo muhiim ah.

Dawlada federalka iyo maamulka ahlusuna ayaaney xiriirkoodu wacneyn,hadalkan ayaa imanaya xilli gudoomiyaha sadexda gole sh/maxamuud macalim xasan uu sheegey in aaney ciidamadooda dawlada ku wareejineyn,waxaana shirka go’aanada kasoo baxey kamid ahaa in ciidamada qeybahooda sida milateriga,booliska,nabsugida,iyo asluubta loo dhisayo,lana dhameystirayo xoreynta meelaha ay wali joogaan xarakada alshabaab.