Baarlamaanka soomaaliya ayaa mar kale ogolaadey miizaaniyadii uu shaley diidey,taas oo micnaheedu yahey in ay laaluush iyo si hoose loola hadley,waana mid ay dadweynuhu cadeynteeda heystaan.
Xukuumada wasiirkeeda koowaad ayaa shaley baarlamaanka hortiisa ka qeexey ereyo ku aadan kalsooni ay ku qabaan in looga danbeeyo maamul u sameynta gobolada jubooyinka,sidoo kale wuxuu sheegey in miizaaniyada soo bedelayaan balse isla sideedi ayaa lagu ansixiyey hadalkiisuna waxa uu ahaa mid shacabka uun lagu qaldayey,ra’iisalwasaare saacid ayaa hada ah nin laga fujiyey labo falaarood oo xanuun badan ku hayey kuwaasoo kala ah ansixinta 25kii xubnood ee xukuumadiisa ka dhimaneyd iyo miizaaniyada musuqmaasuqa ku dhisan ee maanta la ogolaadey.
Waa markii ugu horeysey ee ay baarlamaanka foorara ay riwaayad shacabka u dhigaan,diidmadooda shalley ma aheyn mid sida loo yiri loola jeedey ee waxey aheyd mid dano gaar ah laga lahaa markii la gaareyna la ogolaadey(abwaan hore ayaa yiri:
baarlamaanka foorara waa simikaar faaruqa
ee fadlan lacag ku shubo,isagoo ula jeedey in ay lamid yihiin simikaar ku yiri fadlan lacag ku shubo kadibna adeegaagi fuliyey mar hadii lacag la siiyo waa ogolyihiin wixii la weydiisto.




