Taliyihii ciidamada dalka ethoipia iyo afar askeri oo isaga la socotey ayaa la sheegey in lagu diley miino loo dhigey kala beydhka gobolka hiiraan ee soomaaliya.
Ciidamada ethoipia oo aan ka mid aheyn kuwa sheegta Amisom ayaa markey rabaan soo gala gobolada dhexe oo xuduud dheer la wadaaga dalka ethoipia iyagoo dhibaatooyin ba’an u geysta dadka iyo duunyada miyi iyo magaalaba,dadkuna ay aad u necebyihiin ficiladooda guracan awgood,ethopianka ayaa sidoo kale ku sugan gobolada baay iyo bakool,dhamaana cadaawad ayaa loo wada hayaa marka laga reebo xarakada alshabaab oo iyadu dagaal aan qarsooneyn kula jirta ciidamada afrikaanka ah ee sugan gudaha soomaaliya.
Dilka taliyaha iyo askartan ayaa imanaya kadib markii uu dhawaan sheegey ra’iisalwazaaraga ethoipia heyla maryam in ciidamada ethoipia aaney ka baxeyn dalka soomaaliya,taas oo dad badan ula muuqatey in hadalkani yahey gardaro qaawan oo dabataal cadaawad soo jireen ah oo u dhaxeysey dalalka somalia iyo ethoipia.




