Gudoomiyaha baarlamaanka dawlada federalka soomaaliya prof.maxamed sh cismaan jawaari ayaa maanta kulan la qaatey ardeyda jaamacadaha dalka qaarkood.
Prof.jawaari ayaa waxa uu ka jawaabey su’aallo ay weydiiyeen qaar kamid ah ardeyda kulanka soo xaadirey,waxeyna u badnaayeen dib u dhiska iyo difaaca dalka sidii looga qeyb qaadan lahaa,iyo in la helo hugaamiyeyaal dadka si caddaalad ah ku ku hugaamiya.
Waa markii ugu horeysey oo madaxda dalka hugaamisaa ay u yeeraan ardeyda iyo qeybaha bulshada,waana ififaale hugaaminta wanaagsani ku dhisantahey,in kastoo aad moodo in gudoomiyuhu ka boodey ama ka talaabsadey axsaabta siyaasada dalka ka jirta maadaama la rabo in doorasho loo gudbo dadkuna ay soo doortaan qofkii ay doonayaan,baarlamaankuna diyaariyo xeerka axsaabta siyaasada dalka,oo dawladani aysan sidii dawladihii kmg ku mashquulin wax aan faa’iido dalka iyo dadka u laheyn.




