Xildhibaano hore oo isu taagey xilka madaxweynenimo ayaa lagu bedeley kuwo kale kadib markii ay iska casileen xildhibaannimadii baarlamaanka.
Xubnahan ayaa kala ah xuseen khaliif jaamac iyo c/weli cali gaas ra’iisawasaarihii hore ee soomaaliya,waxaana la sheegayaa in ay labaduba loolan cusub u gelayaan hugaaminta puntland kadib marka xukunka faroole dhamaado bisha janewery todobadeeda sanadka soo socda ee 2013ka hadii alle idmo.
Labadan siyaasi ayaa markii horeba lagula heshiiyey marka tartanku dhamaado in ay xubinnimada baarlamaanka soo celiyaan wax haku helaan ama yey ku heline,taas oo ay fuliyeen mana aha keligoode waxaa jira xubno kale oo sidaas oo kale baarlamaanka u galey in ay xil ku helaan balse aaney ku jirin in ay dadkooda u shaqeeyaan maadaama ay heystaan shaqooyin ka mushaar badan xubinta baarlamaan,waxaana kuwaas ka mid ah cali khaliif galeyr iyo axmed ismaaciil samatar oo labadooduba laga la’yahey in ay soo celiyaan xubinta baarlamaanka maadaama hore loogula heshiiyey.




