Cabdi faarax Shirdoon Saacid Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo khudbad dheer u jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aadan gobolada Dalka
Sidoo Kale Mr.Saacid Ayaa cadeeyay in xukuumadiisa ay wado qorshayaal maamulo loogu sameynayo gobolada Kuwaasi Oo Ka Mid Naqan Doono Maamulada Hoos Imaanaya Dowlada Federaalka Jamhuuriyada Soomaaliyo Oo Madaxweynaha Ka Yahay Mr.Gur Guurte.
Waxaa Uu Kaloo Mr Saacid sheegay in Xukuumada ay wafdi heer wasiiro ah u dirtay magaalada Kismaayo, isla markaana bulshada deegaanka ay si weyn u soo dhoweeyeen, isagoo xusay In dowladda ay hogaankeeda qaadan doonto maamul u sameynta Jubooyinka Laga Sameenayo.
Ra’iisul Wasaarah ayaa Intaa ku daray in dhiig dambe aan ku daadan doonin Kismaayo, isla markaana dadku ay nabad ku wada noolaan doonaan Siduu Sheegay Mudane Saacid.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda siyaasad guud ka damacsan tahay gobolada Jubooyinka, isagoo tilmaamay in dowladda ay qaadaneyso doorka maamul u sameynta Jubooyinka, isla markaana lagu heshiiyay Arimahaasi Oo Idil.




