Magaalada Mandheera Wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in Baadari Kenyaati ah lagu dilay Magaaladaasi ka dib markii Xoogag hubeysan ay rasaas la dhaceen Baadarigaas oo ka howlgalayay mid ka mid ah Kaniisadaha ku yaala magaalada Mandheera Ee Dalka Kenya.
Rag Ku Hubeysan Biskoolado ayaa baadarigaasi si xeeladeysan ugu dileen Magaalada Mandheera xili uu ka soo baxay Kaniisada uu ka shaqeynayay kuna sii jeeday Hoyga Uu Ka Daganyahay Magaaladaasi Mandhera.
Goobta lagu dilay Baadariga Ayaa Waxaa Soo Gaaray Ciidamada Kenya ka dibna Halkaasi waxa Ay Ka sameeyeen dhaqdhaqaaqyo ay ku baadi goobayeen xoogagii dilka ka Fuliyay.
Ilaa Iyo Haatan Ma jirto cid ay u soo qabteen dilkaasi hase yeeshee sida looga bartay Ciidamada Kenyaatiga waxay qabqabteen dad badan soomaali ah oo magaalada Mandhera Degnaa.




