Dr SAACID oo ku dhawaaqey wasiiro dawladeedyo iyo wasiiro ku xigeeno gaaraya ilaa iyo 25 xubnood.

0
502

Xukuumada dr saacid oo in mudo ahba looga fadhiyey dhameys tirka xubnaha golaha wasiirada ayaa ku dhawaaqey wasiiro dawladeedyo gaaraya 5 halka wasiiro ku xigeenadu ay yihiin 20 xubnood,taas oo tirada golaha wasiirada ka dhigeysa 35 xubnood.

Wasiiro dawladeedyadan iyo wasiiro ku xigeenadan ayaa inta badan ah dadka ay xulufada dhaw yihiin m/weyne xasan sheekh waxaanu ku leeyahey illaa 15 xubnood oo ka kala yimid xisbiga nabada iyo horumarka iyo firqo diineedka damo jadiid oo labaduba ay gacansaar dhaw leeyihiin madaxweyne xasan sheekh maxamuud,madaxweynaha hada talada haya.

Sidaas darteed waxey u muuqataa in tobanka kale ay yihiin qeybaha kale ee bulshada iyo qabaa’lka kale ee soomaalida,waxaaney in badan oo siyaasiyiin ahi leeyihiin waxaa meesha ka muuqanaya sad bursi uu la yimid madaxweyne xasan sheekh oo aan caddaalad aheyn taas oo keeni doonta mucaarad hor leh iyo is faham darro mar kale laga dareemo saaxadda siyaasadda soomaaliya,iyadoo durbadiiba qeylo dhaani kasoo yeereyso qeybo badan oo bulshada ah.