Marwada madaxweynaha dalka jabuuti Qadro maxamud xeyd oo casho sharaf loogu sameeyey qasriga madaxtooyada soomaaliya.

0
526

Iyadoo ay dhawaan soo gaareen dalka soomaaliya wufuud uu hugaaminayo gudoomiyaha barlamaanka dalka jabuuti ayaa hadana waxaa dalka yimid marwada madaxweyne ismaaciil cumar geelle batal marwo qadro maxamuud xeyd.

Marwo qadro maxamuud xeyd ayaa casho sharaf walaalnimo waxaa qasriga madaxtooyada soomaaliya ugu sameeyey marwada madaxweynaha soomaaliya iyadoo ay goob joog ahaayeen safiiro iyo diblamaasiyiin ka kala socdey dalal badan oo adduunka ah.

Booqashada marwo qadro ayaa imaneysa ama kusoo beegmeysa xili uu gudoomiyaha barlamaanka jabuuti booqasho ku joogo dalka soomaaliya waana booqashadii ugu horeysey ee marwo qadro ay ku timaado dalka soomaaliya.