WAA MAXEY FARQIGA U DHAXEEYA XUKUUMADI C/WALI GAAS IYO MIDA SAACID TIRO AHAAN?

0
537

Waxaan wada ogsoonnahey in xukuumadii c/wali gaas ay tiro ahaan aheyd 36 xubnood oo isugu jira wasiiro,wasiirdawladeedyo iyo wasiir ku xigeeno,halka midda dr Saacidna ay tahey 35 xubnood oo iyaguna isugu jira wasiiro,wasiirdawladeedyo iyo wasiir kuxigeeno.

Hadaba waxaa la isweydiinayaa wuxu ma sararti labada dhinac aheyd baa,maxaa dadka loo khaldayaa?
Dadka badankiisu waxa uu sugayey isbedel cilmi ku dhisan balse hadii sararti dhinaca kale loo gediyey iyadoo isku sararti ah waa jug jug meeshaadi joog wax soo kordhey iyo hamigii wanaaga filayey waa lamood noqonse weydey.

Dad badan ayaa waxey hada ka fekerayaan meesha dalkan laga heysto iyo dhibaatadan isdabataala,waxeyna hada gelayaan mugdi hor leh iyo is aaminaad daro hor leh waxaana taas keenaya m/weyne xasan sheekh maxamuud erayadii iyo aqoonti loo tirinayey ee keentey in soomaali uu kasoo dhex baxo hadey dhinac kale u shaqeysey wey adagtahey sida kalsooni iyo isfaham loo helo,ama ay soomaali uga baxdo duleysiga iyo handadaada dawladaha dariska ah kuwaasoo aaney jirin masuul soomaaliyeed oo wax u dhihi kara soomaalida gardarada iyo khaladaadka lagu hayo,hadii kii dalkan madax u noqdaa uu u nacamleynayo dawlado dadkeeni duleysanayo,ama ay safaro joogta ugu baxayaan mar kasta oo ay u tacsiyeynayaan hadii shacabkooda wax yari soo gaaraan kuwa ay madaxda u yihiina aan labo isweydiineyn waa quusti oo qadyaan taagan.