Col. Cali Aadan Xaamuud Afhayeenka Guud ee Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ayaa sheegay inaysan suura gal ahayn in Al Shabaab ay dib ugu soo laabato Magaalada Jowhar Ee Xarunta G/Sh/Dhaxe.
Sidoo Kale Wuxuu Xusay Afhayeenka inaysan xilligaan Al Shabaab laheyn tabar iyo itaal ay dagaalada ku sii wadi kareyso isla-markaana aysan suura gal ahayn buu yiri in Al Shabaab ay dib ugu soo laabato Magaaladaasi Ay Haatan Ka Bexeen Iyagoon Wax Dagaal Ah La Galin Ciidamada Dowlada.
Taliska Midowga Afrika ee Amisom ayaa waxay waxba kama jiraan ku tilmaameyn in Xarakada Al Shabaab ay dib ugu soo laabaneyso Magaalada Jowhar ee Xaruunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, oo Axadii shalay lagala Wareegay Gacanta Al-shabaab.
Hadalkaani Ka Soo Yeeray Taliska Ciidamada AMISOM Ayaa Imaanaya Xilli Dhawaan Al Shabaab ay sheegtay inay iskoodii Kaga baxeen Magaalada Jowhar, isla-markaana xilligay Doonaan Ay qorsheyneyaan In ay dib ula wareegayaan gacan ku heynta Magaalada Jowhar.




