Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi,Wasiirka Gaashaandhiga Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya,Gen.Cabdulqaadir Diini Taliyaha guud ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya iyo wefdi kale oo ay hoggaaminayaan ayaa maanta gaarey magaalooyinka Jowhar Iyo Mahaddaay Ee Gobolka Sh/Dhaxe.
Maalintii shalay Ayay Aheyd Markii Ay la wareegeen Ciidamada Xooga dalka iyo kuwa AMISOM Magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay kadib markii ay muddo halkaas dul fadhiyeen waxaana haatan ay qorsheynayaan sidii ay horey ugu socon lahaayeen si la isugu furo magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyn Ee Xarumaha Gobolada Sh/Dhexe Iyo Hiiraan.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weli ka taliya magaalada Buuleberde oo u dhexaysa Jowhar iyo Beledweyn, waxaana dhici karta in uu qabsado dagaal kaga yimaada laba jiho Kaa Oo Ay Ku Qaadayaan Dowladaha Iskaashanaya Ee Ku Sugan Dalka Soomaaliya.




