Boqolaal Dadweyne Careysan Oo Ku Hor Banaan Baxay Aqalka Madaxtooyada Ee Villa Somaliya,

0
465

Ilaa Iyo Boqolaal shacabka reer Muqdisho Ah oo ka carooday masuq maasuq ay sheegeen in lagula kacay ayaa waxay ku hor banaan baxeen Aqalka Madaxtooyada Ee Magaalada Muqdisho.

Dadkaani Banaan baxayaasha Ah oo socod dheer ka soo bilaabay Degmada Heliwaa ayaa waxay ugu dambeen ku hor yimaadeen aafafka hore ee Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia Halkaasi Oo Ereyo Ay Ku Cabanayaan Ku Dhawaaqayeen.

Shacabkaani Careysnaa Ayaa Waxa Ay ku doodayeen inay yihiin dad masaakiin ah waxayna sheegeen in si khasab leh looga saaray guryihii ay deganaayeen oo ay lee dahay Dowladdii Dhexe ee Kacaanka,xilli ay sheegeen inaan lagu soo wargelin Arinkaasi.

Sidoo Kale boqolaakaani Shacab Oo Ku Qeylinayay Afafka Hore Ee Madaxtooyada ayaa waxay Warbaahinta u sheegeen in Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, uu taasi sababteedu lee yahay, isagoo inoo soo wakiishay bay yiraahdeen Gudoomiyaha Degmada Heliwaa Mudane Cumar Cabdulle Jacfaan Halkaasina Ay Sheegeen In Ay Si Dirqi Ah Kaga Saareen Aqalkooddi.

Mid Ka Mid Ah Dadkii Careesnaa Ayaa wax laga xumaado ku tilmaamey in guryihii sida khasabka Ah looga saaray in maanta laga kireynaayo ganacsato, Isagoona sheegay inay dhaxantu ku dishay xilliyada habeenkii ah Goobo Aan Dugaal Leheen.