Ciidamada Alpha Group Oo Howlgalo Miino Baaris Ah Ka Sameyey Magaalada Jowhar

0
503

Ciidamada Alpha Group ee ka tirsan ciidanka nabadsugida Soomaaliya, kuwaas oo qaba tababar heer-sare ah ayaa la geeyey maalintii shalay magaalada Jowhar si ay halkaas baaritaano uga sameeyaan baartitaankaas oo lagu soo qabanayo xubnaha ka harey al-Shabaab kuwaas oo fulin kara falal amni xumo abuuraya.

Ciidamadaani Alpha Group oo wata gaadiidkooda dagaalka isla markaana markasta oo ay hawlgalayaan wejiga duubta ayaa xaafadda Hantiwadaag ee magaalada Jowhar ku so qabtey dhalinyaro ay uga shakiyeen al-shabaab in ay magaalada ku reebeen.

Guutadaani sida gaarka ah u tababaran ayaa xaafadda Hantiwadaag ee magaalada Jowhar u baaraya guri-guri waxaana baaritaanku saameyn doonaa dhamaan xaafadaha magaalada.

Jowhar Iyo Mahadaay Ee gobolka Shabeelada Dhexe ayaa maalintii Axadda soo gashey gacanta dawladda. Maalintii shalay (Isniin)waxaa booqdey wefdi heer sare ah oo isugu jitrey wasiiro iyo saraakiisha u saraysa ciidanka kuwaas oo u kuur-galayey xaaladda gobolka.