Baarlamaanka federalka soomaaliya ayaa bilaabey in uu u yeero su’aalana weydiiyo qaar kamid ah xukuumadi dhawaan la dhaariyey iyadoo loo yeerey wasiirka g/dhiga c/xakiim fiqi iyo kuwo kale.
Qaar kamid ah axsaabta siyaasada oo uu ka midyahey xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed ayaa baarlamaanka ku dhaliiley in ay waqtigan xukuumada u yeeraan oo ay ka mudantahey qodobo kale oo muhiim ah in ay baarlamaanku qabtaan,gud. Kuxigenka xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed cali maxamed nuux timajilic oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegey in ay barteen baarlamaano shacabka boojeeya oo aan qabanin hawlaha qaranka muhiimka u ah hadana baarlamaankaan laga rabo in ay marka hore guda galaan qodobada dastuurka ayna sameeyaan xeerarka axsaabta,gudiyada madaxabanaan,iyo shuruucda dawladgoboleedyada iyo dawlada dhexe ay ku wada shaqeyn lahaayeen sidoo kale xeerka kheyraadka dabiiciga ah iyo sida loo qeybsanayo iyo xeerar fara badan oo dastuurku awood u siinayo baarlamaanku in ay sameeyaan.
Waa daandaansi ay barlamaanku bilaabeen ayna ku fiirinayaan in xukuumadani ka bedelantahey wasiiradii amar diidka baarlamaanka ku caan baxey ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada caanka ah diideyna in magaciisa la shaaciyo.
Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysey oo baarlamaanka la horkeeno wasiir kamid ah wasiirada tirada yar ee dr saacid isla markaa isaguna aqbaley oo ka jawaabey su’aalihii la weydiiyey.




